Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland ayaa gaaray Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag.

0
17

Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray Degmada Xiingalool ee Gobolka Sanaag, ka dib markii uu ka baxay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa qaarkood waxay Khamiistii xil ka qaadis ku sameeyeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland, ka dib is rasaasayn habeenkii Arbacada ka dhacday afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe.

Gudoomiyaha ayaana ka horyimid tallaabada ay xilka uga qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, waxaana uu xil ka qaadistiisa ku sheegay mid aan dastuuri ahayn.

Gudoomiyaha ayaa xilligaa sheegay in uu ku yimid sifo sharci ah, xilkana uu uga deggi doono sifo sharciga waafaqsan.

Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa ciidan uu horkacayay oo wata gaadiidka dagaalka waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Xiingalool, kamana aanu hadlin ujeedada safarkiisa.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa weli ka taagan xiisad ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya Madaxtooyada Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana ka socdo dadaalo lagu doonayo in xal looga gaaro.

Garoowe waxaa iminka ku sugan Suldaanka Guud ee Beelaha Harti, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Odayaal Dhaqameedyo kale oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag, kuwaa oo waan-waan nabadeed ka wada magaaladaasi.