Fah Faahino:-Dagaal Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Sanaag.

0
17

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay Deegaan lagu magacaayo Waqadariya oo dhanka waqooyi uga beegan magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay labo Maleeshiyo beeleed oo hubeysan oo dadka degaanka ah.

Saddex ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ku dhawaad 5 kale ay ku dhaawacmeen dagaalka intii uu socday, waxaana ugu dambeyntii dagaalka joojiyay waxgaradka ka baxay Magaalada Ceerigaabo.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii  Muran ka dhashay  gacan ku heynta deegaanka Waqadariya oo horay loo sheegay in uu yahay deegaan laga heli karo Kheyraad kala  duwan sida Macdanta iyo Dahabka.

Ciidanka Xoogga Somaliland ayaa gaaray goobta uu dagaalku ka dhacay, waxaana caawa ay halkaasi ka waddaan kulamo kala duwan oo ay lala leeyihiin Odayaasha dhaqanka.