(Akhriso):-Ajandaha Kulanka Maanta Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya.

0
47

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kulan wadajir ah.

Kulankaan oo ah mid muhiim ah ayaa Ajandihiisu yahay meel-marinta habraaca ansaxinta dib u eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid KMG ah oo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo kadibna afti Dadweyne loo qaado, si uu u noqdo mid rasmi ah.