Dhageysi:-Waa Sidee Xaalada Saakay Degaanka Waqdariya Ee Gobolka Sanaag.

0
84

Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanka Waqdariya ee gobolka Sanaag,halkaas oo shalay ay ku dagaalameen Maleeshiyaad iksu heystay Dahab iyo macdano kale oo laga qoto buurta.

Dagaalka ayaa wxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Saddex Ruux oo labad dhinaca ah iyo dhaawaca tiro kale,waxaana wararka saaka nasoo gaaraya ay sheegayaan in ay bilaawdeen waan waan lagu dhex-dhexaadinayo maleeshiyaadka dagaalamay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka ay maleeshiyaadak ku dagaalmaeen ay gaareen Ciidamo katirsan millateriga Soomaaliland iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag, iyaga oo kala dhex-galay maleeshiyaadka dagaalamay.

Mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka deegaanka deegaanka Waqdariya ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in ay wadaan kulamo ay la yeelanayaan Odayaasha Dhaqnaka ay kasoo kala jeedaan Maleeshiyaadka dagaalamay si xiisada loo joojiyo.