Dhageyso:-Maxkamada Ciidamada Oo Baaris Ku Bilawday Kiis Musuq Maasuq Oo Ka Dhacay Xerada Balli-Doogle.

0
17

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay bilaawday baarista Kiis la xiriira musuq maasuq oo ka dhacay Xerada Balli-Doogle oo Talis wyen u ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta Soomaaliya ee DANAB,isla markaana ay ku tababaraan Saraakiil Mareykan ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay Xerada Balli-Doogle Saraakiisha ugu sareeysa Maxkamadda Ciidamada Qalabaka sida, iyaga oo isbedel xaga dhismaha ah ku sameeysay  hoggaanka Ciidamada DANAB ee Xerrada Balli-Doogle,waxaana Saraakiisha la Magacaabey ay madaxda dalka la wadaageen Dayac Maamul iyo mid Agab in uu ka dhacay Xeradda Balli-doogle.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in uu bilaawday isla xisaabtan oo marnaba aan leysku deyn doonin in la dayaco Agabka Ciidamada,isla markaana Ciidamada DANAB aan laga fileyn wixii halkaasi ka dhacay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay inay jiraan dambiyo lid ku ah Shaqada iyo amaanada Agabka ciidamada,isla markaana hadii ay lumaan Agabka ama la iibsado ay isku mid yihiin.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Kiiskaan hadda dhacay baaristiisa ay wadaan,,isla markaana Maxkamadda Ciidamada ay Xarun ka furaneyso Gudaha Xerada Balli-Doogle,sidoo kale ay  go’aano  kasoo saari doonaan kiiska dhacay.