Wasiir Sabriye Oo Ku Baaqay Dardar-Gelinta Soo Xuliska Baarlamaanka Galmudug.

0
17

Cabdi Maxamed Sabriye wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa uu kulan la qaatay guddiga Farsamada iyo Maamul dhisida Galmudug ee Wasaaraddu Magacaawday.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo amba qaadi lahaa dhismaha Galmudug loona soo xuli lahaa Xildhibaannada Cusub oo ay yeelaneyso Galmudug.

Wasiir Sabriye ayaa  Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug kula dardaarmay in ay dardargeliyaan dadaallada soo xulista xildhibaanada si loo dhammeystiro geedi socodka dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Kulanka uu Maanta Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu Magaalada Dhuusamareeb kula qaatay Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli hoggaanka Ahlusunna ay saluugsan yihiin sida ay dowladda u wado dhismaha Galmudug.

Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayaa maalma ka hor waxaa ay soo saareen Jadwalka doorashada Galmudug taas oo khilaaf Cusub ka dhex-abuurtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna.