Diyaarad Drone ah ayaa ku dhacday duleedka Magaalada Buulo Burde.

0
39

Diyaarad Drone ah ayaa ku dhacday deegaanka Biyo Neef ee duleedka Magaalada Buulo Burde Gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Goobta diyaarada ay ku dhacday oo dhul banaan aheyd waxaa, durba hawada deegaankaasi soo galay diyaarado kale oo dadka deegaanka Cabsi ku abuuray.

Ciidamada Amisom oo Buulo burde ka baxay ayaa aaday goobta diyaarada ay ku dhacday sibay u soo qaadaan Bur burka diyaarada.

Goobta diyaaradan ay ku dhacday ayaa waxaa ka agdhaw Ciidamada Shabaab, waxaana cabsi laga muujiyay bur burka diyaaradaasi inay goobta ka qaataan Ciidamada Shabaab.

Diyaaradaha Drones-ka ee wax duuba ayaa dul wareega hawada deegaanada ay Maamulaan Al Shabaab, si halkaasi muuqaalo ay uga duubaan

Al Shabaab ayaa dhawr mar gacanta ku dhigay diyaarado drone ah oo ku dhacay deeganada ay maamulaan Al Shabaab.