Ciidama Dowladda oo deegan Muhiim ah kala Wareegay Ururka Alshabab

0
32

Wararka aan heleyno Deegaanka TooraToorow oo ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose ,ayaa shegaya in halkaasi ay Ciidamada Xoogga kala wareegeen ururka Alshabab ,oo muddo dheer gacanta ku hayey .

 

Ciidamadanla wareegay  degaanka ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada Danab.

Toddobaadkii  hore  ayey ahayd markii Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo maalba leh .

Sanadkii tagay ayeey ciidamada dowladda ururka Alshabab ka qabsadeen deegano dhowr ah.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qabsashada Tooratoorow oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

TooraToorow ayaana ka mid aheyd deeganada ay sida weyn u heysteen ururkaa Alshabab .