Dowladda Kenya oo ka hadashay weerarkii Alshabab ay ku qadeen deegan hoos yimada Gaarisa

0
35

Dowladda  Kenya ayaa si rasmi ah u xqiijisey in saddex Macalin lagu diley Weerar Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ka fuliyeen degmada fafi oo qiyaastii 45kiilo mitite u jirta Magaalada gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari.

Isku duwaha booliska ee gobolka waqooyi Bari Paul Soi ayaa sheegay in weerarkan oo  dhacay 2:30 Daqiiqo ee xalay lagu diley saddexda Macalin,isla markaana ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku saabsan sida uu u dhacey weerarkaas.

Sidoo kale wararka laga helayo degmada fafi  ee gobolka Waqooyi Bari kenya ayaa waxaa ay sheegayaan inay maqan tahay isgaarsiinta deegankaasi ,kadib markii Al-Shabaab burburiyeen Anteenooyinkii Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ay ku laheyd halkaasi .

Ururka Alshabab ayaa mudooyinkii u danbeeyey ku dhiyay weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya .