Madaxweeynaha Somaliland iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka oo kulan ku yeeshay Madaxtooyada Somaliland .

0
22

Gudoomiyayaasha Seddaxda Xisbi qaran ee Somaliland ayaa manta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada Somaliland .

Madaxweynaha talada haya Muuse Biixi Cabdi ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Guddoomiyaha xisbiga Waddani  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Feysal Cali Waraabe, ayaa kulanka kaga wada hadlay arimha doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Somaliland .

Marki uu soo idlay kulanka Guddoomiyaha xisbiga Waddani  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo la hadlay warfidiyeenada ayaa shegay in kulanka ay yeeshen xisbiyada qaranka uu ku soo dhamaaday Natiijo La’aan, waxaa una  sheegay in Madaxweynaha u diiday in uu kala diro Komishanka hadda jooga.

Guddoomiye Cirro  oo saxaafadda la hadlayay  ayaa yiri : “Madaxweynaha waxaanu ka filaynay wixii u qabsoomay laakiin, wuxuu gunaanadkiisii noqday in aanu fulin karayn kala diriska Guddida Doorashooyinka ee hadda jooga arrintaas oo uu ka gacan taagtay in uu fuliyo, taas oo macnaheedu yahay in aanu fulinayn go’aammadii guddida dhexdhexaadinta.”

Gudoomiyayaasha Labada Xisbi Ucid iyo Waddani  ayaa sidoo kale baaq u diray Komishanka “labada xisbi waxay ugu baaqayaan Komishanka hadda jooga si ay dalka uga qabsoonto doorasho wakhtiga ugu dhakhso badan ee suuro galka ah iyaga oo u tudhaya dalkooda in ay iscasilaan ayaanu ugu baaqayna,” ayuu yiri  Cirro

Dhinacyada kale ee ay arrintani khusayso ayuu sidoo kale guddoomiyuhu baaq u diray “Labada xisbi waxay u caddaynayaan una soo jeedinayaan Guddidii Dhexdhexaadinta, Beesha Caalamka iyo Bulshada Somaliland in doorka ay ku leeyihiin ka qaataan hawshan.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu intaasi ku daray in labada xisbi mucaarad ee WADDANI Iyo UCID yeelan doonaan shirar is-dabajoog ah oo ay kaga arrinsanayaan arrintan .