Madaxweeyne Farmaajo oo Safar deg deg ah ugu baxay dalka Cumman

0
66

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow u ambabaxay Magaalada Joordan ee Caasimadda dalka Cummaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa waxaa uu daaran yahay ka qeyb galka tacsida qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanadda Cummaan oo uu dhawaan ka geeriyooday Suldaan Qabuus Bil Saciid.

Allaha u naxariistee Bilawgii todobaadkan ayeey aheyd markii uu Geeriyooday Suldaan Qaabuus Bil Saciid, waxaana lagu wadaa ay madax kala gedisan ay ka qeyb gasho aaska suldaanka.