Puntland oo ka digtay Roobab dabeylo wato oo la filayo in ay ku dhuftaan deegaano ka tirsan Maamulka Puntland

0
83

Maamulka Puntland ayaa ka digaya markale roobab dabeylo wata oo la filayo inay ka da’aan deegaano ka tirsan Mamulkaa Puntland ,kadib saadaal la ay sameyen waaxda Ka hortaga Musiibooyinka ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntalnd .
Agaasimaha Waaxda musiibooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in dhawaan Dhulalka Maamulkaasi ay ka da’een roobab lixaad leh oo dadka iyo duunyaduba ay ku diirsadeen, hayeeshee lafilayo in ay sidoo kale da’aan roobab kale oo dabeylo wata oo waxyeelo ay ka dhalan karto.
Agaasimaha Waaxda musiibooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa Waxaa uu sheegay in saadaal la sameeyey ay sheegeyso in ilaa 14-15 la filan karo in Roobab dabeylo wata ay ka da’aan deegaano badan oo ka tirsan gobolada Bari, Gardafuu,Karkaar iyo deegaano kale oo ka tirsan maamulka Puntland .
Dadka ku nool deegaannada Dhul xeebeedka ah iyo Miyiga ayuu ugu baaqay inay ka foogaadaana Goobaha dooxooyinka ah,sidoo kalena waxa uu ugu baaqaay in kaluumeysatada ay Joojiyaan Howlahooda .

Dhageeyso: Codka Agaasimaha Waxda Musiibooyinka Puntland