Alshabaab oo markale la wareegay Deeganka Tooratoorow ee G.Shabeellada Hoose

0
11

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka shabeellada hoose ayaa sheegaya in  Al-Shabaab ay dib ula wareegay deegaanka oo ahaa saldhiggooda ugu weynaa, kaddib markii ay xalay fiidkii isaga baxeen Ciidankii Kumaandooska Soomaaliya oo gelinkii hore ee shalay Alshabab kala wareegay .

 

Saraakiisha ciidanka  howlgalka deegaankaas lagula wareegay ayaa waxaa ay sheegeen in ay qabteen Xubno uu ku jiray guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Shabeellaha hoose,isla markaana ay si buuxda ula wareegeen Ammnaaka deegaankaas.

 

Hase ahaate ururka alshaba ayaa war ay ku baahiyeen barta ay ku leeyihiin Twetter-ka waxa ay ku sheegen in ay mar kale si nabad galyo ah ay ula wareegen deeganka Tooratoorow .

 

Illaa iyo hadda majirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha sar sare ee cidama Dowladda .

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer oo hore Alshabab kala wareegay deegano hoostaga gobalka Shabeelada Hoose .