Madaxweynaha Austria oo warqadaha Aqoonsiga ka gudoomey Danjiraha cusub ee dalkaasi Soomaaliya u magacwday

0
25

Alexander van Der Bellen  Madaxweynaha Dalka  Austria  ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo  ka guddoomay Danjiraha dowlada Soomaaliyeed ay u Magacaawday dalkaas Amb. Ebyan Maxamed Saalad.

Dabjiraha cusub ee soomaliya u magacawday Austria Ebyan,  ayaa sidoo kale ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka  Switzerland.

Ebyan Maxamed Saalad ayaa uga mahad celisey Madaxweynaha dalka Austria   sida uu u soo dhaweeyey iyo wada-shaqeynta dhex-mari doonta.

Dhankiisa Madaxweynaha Dalka Austria Alexander van Der Bellen ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay siwyen ula Shaqeyso Safiirka Cusub ee Soomaaliya dalkaas u soo magacaawdey.