Shir magaalada Beeydhabo uga furmaya maamulda Hirshabeelle iyo K.Galbeed .

0
98

Waxala filaya in manta Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya in uu shir uga furmo madaxda Maamulada Hirshabeelle iyo K/G.Soomaaliya .

Shirkan oo ay ka qeyb gali doonan Madaxweynayaasha Labada Maamul ayaa waxa ku wehliya  qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele iyo xubno ka socda midawga Yurub .

 

Axmed Madoobe Nuunoow Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in shirka diirada lagu saari doono horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed,isla markaana Shirka ay kaalin weyn ka qaadan doonaan saaxiibo ka socda Midowga Yurub.

Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka In inta uu socdo shirka leysla soo qaadi doona  sidii labada Maamul ay isaga kaashan lahaayeen mashruuc uu bixinayo Midowga Yurub,kas oo ku saabsan kobcinta,dhaqaalaha iyo horumarinta labada maamul gobaleed.

 

dhageyso codka wasiirka wasaradda Qorsheynta maamulka Koonfur Galbeed.