Ahlu sunna oo ka hortimid gudoomiyaha gudiga doorashada.

0
68

Xubnaha Xildhibaanada Ahlusunna ee jira Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ay shaaciyeen in ay ka soo horjeedan Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ee Maanta lagu doortey Magaalada Dhuusamareeb.

 

Kulanka lagu doortey gudoomiyaha iyo Ku xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaaanka Galmudug & labadiisa kuxigeen,waxaana Maanta kulanka doorashada ka maqnaa Xildhibaannada Ahlusunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug.

 

Wararka naga soo garaya magaalada  Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow ay Warbaahinta la hadli doonaan Xildhibaanada Ahlusunna ee ku jira Baarlamaanka Galmudug ,iyaga oo qaarkood sheegay in dowladda afduubatey guddiga doorashada Galmudug.