Ciidamada Dowlada ayaa meela hor leh ka xiray wadada Dheeree ee Muqdisho iyo Afgooye.

0
64

Xilli wadada dheer ee laamiga ee isu xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ay qayb ka mida u xirneyd dhismaha laga wado wadadaasi ayay Ciidamada Dowladdu bilaabeen inay goobo kale ka sii xiraan.

Wadada ayaa horey looga xiray wadada Ex Control Afgooye illaa xaafadda lagu magacaabo Galmudug, taasoo ku taala duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhegxaan ku gooyay qaybo ka mid ah wadada dhiriirsan ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Wadooyinka la xiray ayaa la soo dhigay ciidamo, kuwaa oo ka hortaggaya inay wadayaasha gaadiidleyda iska hor qaadaan dhegxaantaasi, sidoo kalena waxay u diyaarsan yihiin inay kaga hortaggaan gawaarida qaraxyada sida, ee Shabaabku la socdaan.

Tallaabooyinkan ayaa waxaa loo qaaday, sidii loo xaqiijin lahaa amniga Injineerada Turkiga ee gacanta ku haysa dhismaha wadadan.

Injineerada Turkiga ee la siiyay qandaraaska lagu dhisayo wadadaan ayaa wajahaya weeraro kaga imaanaya Al Shabaab. Saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay ayaa lala beegsaday laba weerar oo ismiidaamin ahaa, laguna dilay laba Injineer, halka lix kalena lagu dhaawacay.