Gudiga doorashooyinka galmudug oo dortay gudoomiye

0
118

Kulan ay maagaalada Dhuusamareeb ku yeesheen guddigga doorashada madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa ay ku doorteen guddoomiyaha gudiga iyo ku xigeenkiisa.

Kulanka oo uu goobjoog ay ka ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka galmudug Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa kuxigeen,ayaa waxaa Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha loo  doortay Maxamed Xuseen Tahliil ( Calool Geel) halka Cabdiraxiin Axmed Cigaal isna loo doortay gudoomiye ku xigeenka Guddiga,

Xubnaha Guddigaan ayaa ka kooban 13 Xubnood oo ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, kuwaasi  oo soo diyaarin doona hanaanka doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Kursiga guddoomiyaha Guddiga ayaa waxaa maalmahan ka taaga muran , maadaama Ahlusunna iyo Dowladu qolo walbaa iyadu dooneysay in xubinta guddoomiyaha ay helaan.