Heshiis laga gaaray qilaaf u dhaxeeyay maamulka Hirshabeelle

0
58

Waxa is af garad ku soo dhamaday kulan gaar ah oo ay yeeshen hogaanka sare ee maamulka Hirshabelle , Kulankan ayaa ka dhacay guriga Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Shirka oo socday  saacado badan , islamarkaana uu soo qaban qaabiyey, Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa waxaa looga hadlay khilaafkii u dhexeeyey Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Afhayeenka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro oo ka warbixiyey kulankaasi ayaa sheegay in xal kama dambeys ah laga gaaray khilaafkaasi, islamarkaana la soo afjaray.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda ay ku ballaameen in la dardar geliyo shaqooyinka culus ee horyaalla.

Ugu dambeyn Madaxweyne Waare iyo guddoomiye Barre ayaa Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle uga mahadceliyey dadaalladii dhex dhexaadinta ee uu sameeyey.

Khilaafkaan oo mudo taagnaa ayaa saameyn ku yeeshay wada shaqeynta labada dhinac waxaana socday mooshin ka dhan ahaa Waare.