Qaar kamid ah wasaaradaha Xukuumadda iyo Xubna ka socda UN-ka oo muqdisho shir ku yeeshay

0
41

Magaalada muqdisho maantay ka furmay Shir u dhaxeeya  Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Amniga, Cadaladda, Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo qaar ka mid ah hay’adaha UN-ka , waxa uuna shirkan ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS.

 

Shirka oo uu gudoominayay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa looga hadlay  dhameeystirka dastuurka iyo sidii xal-looga gaari lahaa qodobada masiiriga ah ee u baahan in wada-xaajood dheer  laga gaaro.

 

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka DFS  Maxamed Abuukar Zubeyr, ayaa waxaa uu ka qaybgalayaasha shirka u soo jeediyey qorshaha guud ee Wasaaradda ee ku aadan dhameeystirka dastuurka bartamaha sanadkan 2020ka.

 

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka ay ka go’antahay dhameeystirka dastuurka iyada oo loo marayo hannaan wadatashi ah .

 

Dhanka kale, waxaa shirka isana ka hadlay agaasimayaasha guud ee Wasaaradihii ka soo qaybgalay shirka iyo masuuliyiin ka socday UNka iyaga oo sheegay inay Wasaaradda Dastuurka kala shaqayn doonaan fulinta qorshaha u degsan sanadkan.

 

Gabagabada shirka ayaa  waxaa lagu ballamay in la dardargeliyo howlaha dhemeeystirka dastuurka iyada oo lagu shaqeeynayo hannaan wadatashi oo lala sameeynayo shacabka Soomaaliyeed.