Dhageeyso:- Maamulka Degmada Baladxaabo oo Baaq u diray Shacabka Deegaanka.

0
27

Gudoomiyaha degmada balad xaawo cabdicasiis xareed cabdullaahi  oo degmada banaanka uga baxay balse  dib ugu soo laabtay degmada ayaa idaacada starfm uga waramay sababta ay banaanka ugaga baxeen magaalada waxa uuna baaq udiray buldhada beledxaawo.

gudoomiyaha ayaana ku shegay sababta ay uga baxeen in ay tahay in shacabka aysan u horseedin dagaal ooo aysan shacabku dhibaato galin .

cabdicasiis xareed cabdullaahi   gudoomiyaha Degmada Baladxaawo ayaana waxa uuna  shacabka degmada ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan ciidamada ayna la shaqeeyaan.

ugu danbeeyn gudoomiyaha ayaa shegay in hadda xaaladda deeganka ay tahay mid dagan oo wax colaad ah aysan ka jiri.

Si kastaba ha ahaate saakay ayaa garoonka degmada doolow gaaray diyaarad siday Ciidama , Gadiid dagaal iyo Hub.

 

               cod gudoomiyaha degmada Baladxaawo