Gudoomiyaha Gobalka Shabeelada Hoose oo dib ugu soo noqday Gobalka Kadib Safar Shaqo

0
35

Ibraahim Aadan Cali Najax  Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Iyo Wafdi Uu Hogaaminaya Garay Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose , Wafdiga Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Aya Maalmihii La Soo Dhafay Ku Sugnaa Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho .

Wafdiga Guddoomiye Ibraahim Ayaa Waxaa Qeyb Ka Ah Gudoomiye Ku Xigeenka Siyaasada Iyo Amniga Gobolka,Waxaana Magaalada Marka Kusoo Dhaweeyey Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Degmada Iyo Bulshada Magaaladaas.

Gudoomiyaha Oo Markii Uu Ka Garoonka Ka Soo Dagay Kadib War Fideeyanada La Hadlay Ayaa Yiri “Safar Shaqo Oo Ay Igu Wehelinayaan Gudoomiye Ku Xigeenada Siyaasada Iyo Amniga Gobolka Ayaan Ku Gaarnay Caasimada Gobolka Shabeelaha Hoose,Waxaan U Mahadcelinayaa Maamulka Odayaasha Dhaqanka Iyo Ciidamada Amniga Oo Si Diiran Noo Soo Dhoweeyay”

Ibraahim Aadan Cali Najax  Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose  Ayaa Intaasi Ku Daray In U Jeedka Ay Halkaasi U Tageen Ay Tahay Inay Dib Udhis Ku Sameynaynayaan Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose Ee Magaalada Xeebeedka Marka.