Taliska Degmada Matabaan oo soo Qabtay Rag Dil ka Geeystay Degmadaasi

0
29

Taliyaha ciidamada Booliska degmada Matabaan, Dhame Cabdifitaax Maxamed Jaamac Fooneeye  ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada ammaanku ay ka sameeyeen degmadaasi.

Taliyaha ayaa sheegaya in gacanta laga soo dhigay labo nin oo baxsad ahaa, kuwaas oo xalay labo qof ku soo dilay deegaanka Habar-Cirir ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku raad joogaan labo kale oo la sheegay inay ku lug lahaayeen dilalkaasi.

Dhame Cabdifitaax Maxamed Jaamac Fooneeye ayaa sidoo kale xaqiijiyey in raggaasi la horgeeni doono cadaaladda, islamarkaana laga qaado doono waxa uu sharcigu qabo.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay heeshiis nabadeed la dhex dhigay labo beelood oo muddo ku dagaalamayey degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.