Dowladda Shiinaha oo ka Hadashay Xaaladda Ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka barata Dalkaasi.

0
31

War Qoraal ah Kasoo Baxay Safaraadda Shiinaha Ee Muqdisho Ayaa Lagu Sheegay In Xukuumadda Beijing Ay Qaaday Tallaabooyin Dhowr Ah Oo Lagu Xaqiijinayo Bad-Baadada Ardayda Soomaaliyeed Ee Wax Ka Baranaya Wuhan.

“Ardayda Soomaaliyeed Ee Wuhan Waa Ay Bad-Qabaan. Maamulka Dowladda Hoose Ee Wuhan Ayaa Adeeg Wax Ku Ool Ah Siiya,” Ayaa Lagu Yidhi Qoraalka Kasoo Baxay Safaaradda Shiinaha Ku Leeyahay Magaalada Muqdisho.

Dhinaca Kale, Safaaradda Ayaa Uga Mahad-Celisay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Inuu Yidhi “Soomaaliya Waxay Shacabka Shiinaha Ku Garab Taagan Tahay Dagaalka Ay Ku Jiraan Faafitaanka Cudurkan.”

“Aad Ayey China Ugu Mahad-Celineysaa. Saaxiibka Dhabta Ah Waa Kan Xilliga Baahida. Cudurkan Waa Xilli Kooban, Laakiin Saaxiibtinimada Waxay Jirtaa Weligeed,” Ayaa Lagu Yidhi Qoraalka.

Tirada Dadka U Dhintay Cudurkaas Ayaa Maanta Dhaaftay 1000 Qof, Ayada Oo Guddiga Caafimaadka Qaranka Sheegeen In Maanta Ay 108 Qof Oo Cusub Ay U Geeriyoodeen Cudurka, Taasi Oo Tirada Guud Ee Dhimashada Ka Dhigeysa 1016 Qof. Dhawaan Ayay Ahayd Markii Dowlada Dhexe Ee Soomaaliya Aay Shaacisay Inaysan Awoodin Inay Soo Dabusho Ardayda Soomaaliyeed Eek U Sugan Dalkaasi Shiinaha.