Hogaamiyayaasha Iran oo Shir Deg Deg ah ka leh Soo xulista Taliyihii Badali Lahaa Qasim Suleymani.

0
24

Baadhitaan Cusub Oo Lasameyay Ayaa Shegay. In Hoggaamiyeyaasha Xisbullaah Ee Lubnaan Ay Shirar Deg Deg Ah La Yeesheen Hoggaamiyeyaasha Malleeshiyaadka Ciraaq, Ka Dib Markii La Dilay Taliyihii Ciidamada Qudus, Qassem Soleimani, Si Loo Mideeyo Safka Si Loo Buuxiyo Booska Uu Baneeyay Jeneraalka Rer Iiraan. Badhitanadu Waxay Shegeen In Kulamada “Looga Golleeyahay Isku Dubaridka Dadaallada Siyaasadeed Ee Kooxaha Hubaysan Ee Ciraaq, Kuwaas Oo Badanaa La Kala Qaybiyo”, Kuwaas Oo Lagu Lumiyay Weerarkii Mareykanka Ee 3dii Janaayo Ka Dhacay Gegada Diyaaradaha Ee Baqdaad, Oo Ay Weheliyaan Soleimani, Oo Sidoo Kale Ah Hoggaamiyaha Milatariga kacaanka Ah Ee Ciraaq, Ku-Xigeenka Hoggaamiyaha Dadka kacaanka Ah,Abu Mahdi Al-Muhandis Ayaa Door Muhiima Ka Ciyaaray Mideynta Kooxahan, .

Hay’addu Waxay Tilmaamtay In Kulamadaas “Ay Iftiiminayaan Qaabka Iran Iyo Kooxaha Raacsan Ay Isku Dayayaan Inay Ku Xoojiyaan Gacan Ku Haynta Bariga Dhexe Ee Aan Xasilloonayn, Gaar Ahaan Weerarkii Mareykanka” Oo Lagu Dilay Soleimani.

Labada Ilood Waxay Sheegeen In Shirarka Udhaxeeyey Xisbullaah Iyo Hogaamiyaasha Kooxaha Hubaysan Ee Ciraq Ay Bilaabeen Bishii Janaayo, Maalmo Un Kadib Dilkii Soleimani, Iyadoo Ay Jiraan Hadalo Is Khilaafsan Oo Kusaabsan Halka Lagu Qabtey, Halka Mid Kamid Ah Dadka Hadlay Uu Sheegay Inay Kadhaceen Beirut, Halka Dhanka Kale Uu Cadeeyay In Lagu Qabtay Midkoodna Lubnaan Ama Iran. . Labada Ilood Waxay Tilmaameen In Wakiilka “Hezbollah” Ee Ciraaq, Muhammad Al-Kawtharani, Oo Si Dhaw Ogala Shaqeynayay Soleimani Sanado Badan Jihaynta Kooxaha Hubaysan Ee Ciraaq, Uu Martigaliyay Shirarka.

  • Turjumida Starfmsomalia