Shir sanadeedka Garsoorka Dalka oo Muqdisho ka Furmay.

0
34
Shir sanadeedka garsoorka dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaaso looga hadlayo arrimaha xaaladda ah garsoorka iyo cadaalada dalka halka uu marayo.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Maxkmadda Sare, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaran ,Gudoomiyaha maxkmadda Gobolka Banaadir, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno ka socda Maamul Goboleedyada dalka qaar .
Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa hay’aadddah garsoorka dalka, iyadoo wasaaradda cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada garsoorka dalka.
Sidoo kale Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Maxkmadda Sare ee dalka ayaa waxaa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah, waxaana Khudbado ka jeedin doona Madax ka qey galeysa shirkan .
shirkan ayaa waxa uu kusoo begmayaa iyado malinimadii shalay uu magaalada bosaaso kadhacay xukun ciqabeed loo heystay edeeysanayaal kufsi iyo dil kageystay horantii sanadkii tegay magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug, kasoo bulshadu aad usoo dheweysay laguna bogaadiyay hay adaha cadaalada dalka iyadoo lagu tilmamay talaaboo cadaladeed oo horay looqaday.