Taliya Booliska Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho Ka Daah Furay Shirka Isku xirka Laamaha HJS

0
29

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamed Cabdi Xasan Xijaar ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Isku xirka Howlaha Laamaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  kaas oo sadexdii biloodba mar la qabto.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale Koofi,  oo ugu horeyn shirka ka sharaxay ujeedada shirka ayaa xusay in shirkan uu yahay mid looga gol leeyahay  isku xirka howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya kaas oo  3-dii biloodba mar laqabto laguna kala qabto Gobolada dalka iyo Caasimada, Islamarkaana diiradda lagu saaro waxqabadka Hey’adda, waxyaabaha laga gaabiyay iyo caqabadaha shaqo ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay lagala kulmay shaqada, iyo ka doodista qorashaha shaqo ee sadexda bilood ee soo socota.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col Maxamed A. Jimcaale (Koofi) ayaa yiri : “ Dhanka kale Shirkani waa shir ay waaxyaha iyo laamaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iskula xisaabtamaan kuna kala war qaataan, waana shir aan ku dhegeysano talooyinka iyo dhaliilaha ay Hey’addaha kale ee shaqadu nagala dhexeyso noo soo jeediyaan sida Wasaaradaha DFS,Maamulka G/Banaadir,Booliska, Maamulka Garoonka Aadan Cabdulle iyo Bulshada rayidka ah.”

Gudoomiye K/xigeenka Amniga iyo siyaasadda ee G/Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, oo ka mid ahaa Madaxda ka soo qeybgashay Shirka ayaa dhankiisa sheegay in wada shaqeynta Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir uu yahay mid aad u wanaagsan, isagoo dhanka kalena xusay in balaarinta adeegyada Hey’adda ay wax badan ka qaban doonto baahiya bulshada ku nool gobolka banaadir.

Sidoo kale waxaa warbixin howleedkooda sadaxdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshaha shaqo ee 3-da bilood ee soo socota shirka ku soo bandhigay loogana dhegeystay Agaasime waaxeedyada Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo masuuliyiinta laamaha ay Hey’addu ku kala leedahay Caasimada iyo Gobolada dalka, kuwaas oo dhamaantood muujiyay in howlaha Hey’addu ay u socdaan sidii loo qorsheeyay korna loo qaaday shaqada, foojignaanta iyo adeegyada ay Hey’addu bixiso.

Ugu dambeyn Taliyaha Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar,ayaa sheegay in ay wadashaqeyn dhow leeyihiin Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, islamarkaana uu bogaadinayo in uu markii Labaad kala soo qeyb galo furitaanka shirkan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Shirkan 3 biloodlaha ah ee Hey’dda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ay furitaankiisa hadalo ka soo kala jeediyeen masuuliyiin kala duwan oo lagu casuumay ayaa Gebagebadii waxaa galabta soo xiray Agaasime k/Xigeenka Guud ee HJS Col Ibraahim Xuseen.