Canada Oo Balan Qaadday in ay qeeyb ka Bixineeyso Deymaha Soomaaliya Lagu leeyahay.

0
21

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Ku Sugan Dalka Itoobiya Ayaa Halkaasi Kulan Kula Qaatay Wasiirka Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka Iyo Horumarinta Bulshadda Ee Dalka Canada Axmed Xuseen, Iyaga Oo Ka Wada Hadley Iskaashiga Iyo Wada Shaqeenyta Dowladdaha.

Wasiir Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka Iyo Horumarinta Bulshadda Ee Dalka Canada  Axmed Xuseen Ayaa Sheegay In Dowladda Canada Ay Bixin-Dooneyso 8.1 Milyan Oo Qeyb Ka Noqon Doonta Deymaha Laga Cafiyay Soomaaliya, Isagoo Intaa Ku Daray In Dib Ay U Bilaaban Doonaan Socdaalkii Dalalka Soomaaliya Iyo Canada.

Wasiir Difaaca Ee Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Ayaa Uga Mahadceliyay Dowladda Canada Garab Istaagga Ay Mar Walibba La Garab Taagan Yihiin Umadda Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Dadaal Ugu Jirta Sidii Dalka Looga Cafin Lahaa Deymaha Lagu Leeyahay , Iyadoo Ay Xusid Mudan Tahay In Dawladda Hore Ay Cafiyeen Deymihii Ay Ku Lahaayeen Soomaaliya.