NISA oo Sheegtay in uu Iscasilay Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab

0
46

War Qoraal Ah Oo Lagudaabacay Barta Twitter-Ka Ay Ku Leedahay Hay’adda Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka  Soomaaliya Ee NISA, Ayaa Lagu Sheegay In Uu Is Casilay Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab U Qaabilsanaa Gobolka Banaadir.

Qoraalka Ay Ha’adda Soo Bandhigtay Ayaa Lagu Shegay In  Muuse Macallin Oo  Loo Yaqaannay Mucaawiye Uu Iska Casilay Xilka Madaxa Amniyaadka Al-Shabaab , Sababa La Xiriira Khilaaf Ka Dhex Jira Gudaha Ururka.

“Khilaafkii U Dhaxeeyey Labada Garab Ee Maafiyada Al-Shaabab Ayaa Sababay Inuu Is Casilo Madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin [Mucaawiye], Oo 39-Jir Ah, Oo Ahaa Garabka Raacsan Horjooge Mahad Karataay” Ayaa Lagu Yiri Qoraalka Ka Soo Baxay Hay’adda Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka  Soomaaliya Ee  NISA.

             HOOS KA AKHRISO QORAALKA HA’ADDA NISA