Taliska Ciidamada Xoogga Qeeybta 21-aad oo Nabadeyn ka wada Beelo Ku dagalamay Degmada Balambale.

0
33

Taliye Ku-Xigeenka Qaybta 21-Aad Ee Ciidamada Xoogga  Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi Iyo Ciidamo Uu Horkacayo Ayaa Waxa Ay Degmada Balambale Ka Wadaan Sidii Nabad Loo Dhax Dhigi Lahaa Beello Walaalo Ah Oo Dhawaan Halkaasi Dagaal Uu Ku Dhaxmaray.

Ciidamada Uu Hogaaminayo Taliyaha Ayaa Waxaa Gacan Ka Siinaya Sidii Nabad Loogu Kala Qaadi Lahaa Beelaha Walaalaha Ah Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax Oo Ka Mid Ah Duubabka Dhaqanka Isagoo Kalin Ka Qadanaya Nabadeeynta Deeganka.

Taliye Ku-Xigeenka Qaybta 21-Aad Ee Ciidamada Xoogga  Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi Ayaa Waxaa Ku Wehlinaya Safarkiisa Qaar Ka Mi Ah Saraakiil Ay Kamid Yihiin  Taliyaasha Guutooyinka 15-Aad Gen: Mascuud Maxamed Warsame Iyo Guutada 13-Aad Gaashaanle Cabdiraxmaan Macalin Maxamuud “Timadheere”.

Taliska Ciidamada Qeybta 21-Aad Ayaa Horey Waxaa Ay Heshiis U Soo Kala Dhex Dhigeen Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Deegaano Iyo Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Mudug.