Ciidamada Gobalka Galgaduud Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Qamri

0
31

Taliska Ciidamada Booliskaa Degmada Caabud-Waaq Ee Gobalka Galgaduud Aayaa Howl Galo Ay Ka Sameeyen Xaafadaha Degmaa Waxa Ay Ku Soo Qab Qabteen Qamri  Fara Badaan Oo Ka Buuxay Quraarado.

Howl Galkan Oo Intiisa Badan Ka Dhacay Baraha Koontoraalada Degmada Ayaa Waxaa Lagu Soo Aruuriyey Dhalooyin Ay Ku Jireen Qamri Kuwaas Oo Gudaha Magaalada Lagu Kala Iibsanayey.

Taliyaha Ciidamada Booliska Degmada Caabud-Waaq Ayaa Shegay In Howl Galadaasi Ay Saacadihi La Soo Dhafay Ay Sameyeen Ay Gacanta Ku Soo Dhigeen 100-Xabo Oo Dhalo Ah Kuwaas Oo Ay Ku Jireen  Qamriyo.