Dowladda Sacuudiga Oo Hakad Gelisay Howlaha Cimrada Sanadkaan

0
29

Dawladda Sucuudiga Ayaa Manta Oo Khamiis Ah Ku Dhawaaqday In Ay Muddo Kooban Ay Hakad Ay Gelisay Howlahii Cimrada Sanadkaan , Ay Bulshada Ismaaka Ay Ku Booqan Lahaayeen Magaaloyinka Barakeysan .

War Ka Soo Baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga Ayaa Bayaan Ay Soo Saartay Waxay Ku Caddaysay Kadib Markii Madaxda Sare Ee Dalka Sucuudigu Ay Maalmihii Lasoo Dhaafay Shirar Is Daba Jog Ah Ay Ka Lahaayen Sidii Looga Hortagi Lahaa Caabuqa Cudurka Calamka Oo Ididl Fara Ba’an Ku Haya Ee Corona-Virus.

Dowladda Sacuudigu Ayaa Waxay Xaqiijisay In Go’aankani In Uu Saameyn Adag Ku Yeelanayo Dadka Ajaanibta Ah Ee Ka Imanaya Dalka Dibaddiisa, Sidoo Kale Waxay Intaa Ku Dartay In Muwaadiniinta Sucuudiga Laftoodu Aysan Si Toos Ah U Tagi Karin Cumrada Ilaa Laga Hubiyo Caafimaadkooda.

Dhawaan Ayeey Aheyd Markii Dalka Baxreyn Ee Dhaca Bariga Dhexe Laga Helay Caabuqa Corona-Virus