Madaxweeynaha Somaliland Oo Kulan La Qaadanayo Xisbiyada Mucaaridka Somaliland

0
30

Madaxweynaha  Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Guddoomiyaasha Xisbiyada Mucaaradka  UCUD Iyo Wadani  Eng. Feysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro Ayaa Haatan Kulan Waxa Uu Uga Socdaa Xafiiska Madaxtooyada Soaliland .

Kulanka Oo Ay Albaabadu U Xiran Yihiin Ayaa Waxaa Loga Arinsanayaa Sidii Xal Waara Looga Gaari Lahaa Khilaafka Hareeyay Xukuumadda Iyo Xisbiyada Mucaradka Oo Dhowr Jeer Oo Hore Ah Mid Soo Noq Noqday , Sidoo Kale Waxaa Kulanka Inta Uu Socda Looga Hadlaya Guddiga Doorashada Oo Dhankooda Ay Cabasho Ay Ka Taagneed Mudooyinkii Danbe .

Dhinaca Kalana Warar La Helayo Ayaa Sheegaya  In Kulanka Ay Qeyb Ka Yihiin Wefdi Ka Socda Midowga Yurub Oo Dhexdhexaadinaya Labada Dhinac,  Kuwaas Oo Hargeysa U Tegay Sidii Loo Xalin Lahaa Xiisada Siyaasadeed Ee Ka Dhex Jirta Xukuumadda Iyo Xisbiyada Somaliland.

Si Kastaba Muddo Dhowr Jeer Ah Oo Ay Horay Kulmeen Madaxweynaha Somaliland Iyo Hogaamiyayaasha Xisbiyada Ayaana Wax Natiija Ay Ka Soo Bixin Kulankooda.