Puntland ayaa eedeymo u jeedisay dowladda fedraalka Soomaaliya.

0
46

Maamulka Puntland ayaa eedeymo u jeediyay dowladda fedraalka Soomaaliya taas oo ku aaddan in ay ciidamo geynayso deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay guulaha laga gaaray howlgal maalmihii lasoo dhaacay ay ka wadeen magaalada Garoowe ee caasimadda mamaulka Puntland.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmamaay tan iyo intii uu bilowday howlgalkaan in ay qabteen ku dhawaad 30-qof oo lala xiriirinayo in ay lug ku leeyihiin denbiyada ka dhaca Garoowe isaga oo shaaciyay in maxkamad lasoo taagi doono.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka la qabtay ay u badanyihiin dhalnyrada ku shaqeysata Mootada loo yaqaano Bajaajka isaga oo ku amaanay ciidamada booliiska sida ay u guteen waajibaadkooda sugidda amniga.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay in ay jiraan qorshayaal dowladda fedraalka Soomaaliya ay ku gobolka Mudug ciidamo booliis ah gaar ahaana kuwa gaar ka ah ee Haram cad.

Taliyaha ciidamada booliiska Puntland  Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay magaalada Gaalkacyo keento Booliiska gaarka ah ee loo yaqaanno Haramcad in iyaguna ay geenayaan Shabeel sida uu hadalka u dhigay.

Maalmahaan danba ayaa soo baxayey warar sheegaya in dawlada ay wado qorsha lagu geedaano ciidamada booliska gaarka ah ee looyaqaano Harmacad magaalada Gaalkacyo.