Man U oo shaaca ka qaday lacagaha Ay ku fasaxeyso xidigga reer France Ee Paul Pogba

0
149

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ugu dambeyn diyaar u tahay iibinta ciyaaryahan kooda khadka dhaxe ee Paul Pogba, iyagoo dhageysanaya dalabaadyada u ga imaanaya laacikooda.

Man United ayaa haatan qiimo go’an oo uu ka billaabanayo dhageysiga dalabaadka, waxaana ay la hadli doonaan kooxaha xiddiga reer France u soo gudbinaya dalabaadyada ka sarreeya 100 milyan oo gini sida ay warinayso Jariiradda The Sun.

Pogba mustaqbalkiisa garoonka Old Trafford ayaa ahaa mid aan hubanti ahayn 12-kii bilood ee ugu dambeeyay, isagoo xagaagii la soo dhaafay ku sigtay ku biirista Real Madrid.

Maadaama qandaraaskiisa uu dhici doono xagaaga dambe, Red Devils ayaa hoos uga soo dagtay qiimihii ay markii hore ku dooneysay oo ahaa 150 milyan oo gini sanadkii hore, waxaana saadaashu ay u badan tahay inaysan Man United dhaqan gelin doonin doorashada ah in hal sano ay ku dari karaan qandaraaskiisa.

Pogba ayaa dhawaanahan la tacaalayay dhaawac anqowga ka soo gaaray, waxaana keliya Manchester United uu u saftay labo kulan tan iyo bishii September.

Kubbad qaabeeyaha reer France ayaa si xoog leh loola xiriiriyay ku biirista Real Madrid xagaagii aynu ka soo gudubnay, kaddib markii uu sheegay inuu doonayo inuu helo jawi iyo loollan cusub, balse ma aysan suuro galin inuu u dhaqaaqo caasimadda Spain.