DEG-DEG:-Taliyihii Booliska Degmada Afgooye Oo Qarax Lagu Dilay.

0
121

Wararka Ay Starfm Ka Heleyso Duleedka Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ayaa Waxaa Ay Sheegayaan In Halkaas  Qarax Lagula Eegtay Taliyihii Saldhiga Booliska Degmadaas Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Nuunow .

Qarax Oo Ahaa  Miino Nooca Dhulka Lagu Aaso Ayaa Waxaa Lala Eegtay Gaari Uu La Socday Taliyaha Xili Uu Socdaal Ku Marayay Degaanka Xaawa Cabdi Ee Duleedka Dagmada Afgooye.

Lama Oga Cidda Ka Danbeysa Dilka Taliye Nunow, Mana Jirto Weli Cid Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraaxi

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Maamulka Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ayaa Tegay Goobta Uu Qaraxu Ka Dhacay, Iyagoona Halkaas Ka Soo Qaaday Meydka Taliye nuunow.