Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan oo War ka soo saaray Xaaladda Doorashada Dalka.

0
71

Gudiga Doorashooyinka Qaranka Ayaa Ugu Baaqay Lamaha Dowladda In Aad Loo Adkeeyo Amaanka Doorashada La Filayo In Ay Ka Dhacdo Dalka Dhamaadka Sanadkan Iyo Bilawga Sanadka Soo Soo Socda .

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banana Ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Yareey Ayaa Waxa Ay Baarlamaanka Ka Codsatay In Ay Dhaqan Geliyaan Dhameystirka Axsaabta Siyaasadeed Ee Dalka .

Sidoo Kale Waxa Ay Ugu Baaqday Xisbiyada Siyaasadee Ee Dalka In Ay Soo Dhameystiraan Howlaha Looga Bahaan Yahay.

Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Ay Soo Dhaweynayaan Gudiga Isku Dhafka Heer Baarlamaan Ee Loo Xilsaaray Soo Sarista Qaraaryada Iyo Habraacidda Lagama Maarmaanka U Ah Sharciga Doorashooyinka.

 

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Ayaa Waxa Ay Sheegtay In Ay Qaraaryada Iyo Habraacyada La Soo Dhameystiro Ka Hor Waqtiga Kama Danbeysta Ah Ee Ay Umadda Soomaaliyeed U Dareerayaan Doorashada.

Dhageeyso codka gudoomiyaha gudiga Doorashooyinka.