Madaxweynihii hore ee Kooxda Real Madrid oo u geeriyooday caabuqa Coronavirus

0
160

Sida wararku ay sheegayaan Madaxweynihii hore ee kooxda kubadda cagta Real Madrid, Lorenzo Sanz ayaa u geeriyooday caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Waxa uu Lorenzo Sanz geeriyooday isagoo jira da’da 76-sano markii uu haleelay caabuqa Coronavirus ee dunida sida weyn ugu faafaya.

Talaadadii ayaa Isbitaalka loola cararay markii ay qandho aad u darani qabatay, waxaana laga helay Coronavirus, iyadoo loo gudbiyey qeybta gargaarka deg degga ah.

Waxaana Warbaahinta Spain ay soo sheegtay in xalay oo Sabti ahayd uu geeriyooday Lorenzo Sanz, kaasoo marka laga soo tago caabuqa Coronavirus qabay cudurka Sonkorta ama macaanka, iyadoo kalyahana ay fariisteen.

Waxa uu Lorenzo Sanz agaasime ka ahaa kooxda kubadda cagta Real Madrid muddo 10 sanadood ah kaddib markii uu ku soo biiray sanadkii 1985-kii, waxaana kaddib loo doortay Madaxweyne sanadkii 1995-kii, isagoo xilkaasi hayey muddo shan sanadood ah.

Lorenzo Sanz ayaa lagu yaqaanaa inuu kooxda Real Madrid ka soo saartay abaar muddo dheer ka haysatay tartanka Champions League, waana wax ay Los Blancos ku xusuusanayso ninkan reer Spain ee dunida ka tagay.