QM oo soo dhaweysay Socdaalka Madaxweeyne Deni Muqdisho ku imaanayo.

0
112

War Qoraal ah oo  kasoo baxey Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa waxaa lagu bogaadiyey hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ee ahaa in uu imaanayo Magaalada Muqdisho, kaadib shir ay saamileyda puntland shir ay ku yeessheen garawe.

 

Qoraalka oo lagu soo daabacay mareegtay ay Twitter-ka ku leeyihiin UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay inay arrintasi si aad ah u soo dhaweynayaan,sidoo kale ay amaanayaan wafdigii Dowladda Federaalka uga qeyb galay shirkii Wadatashiga Puntland.

 

Gaba gabada warka ka soo baxay NSOM ayaa lagu sheegay inay Isha ku hayaan Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni si loo hormariyo wada-hadalka danaha Guud.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadley booqashada la filayo in uu ku yimaado Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in uu ku saleysan yahay sidii Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada ugala hadli lahaa gogosha wada hadal ee uu fidiyey si loo wada hadlo .