RASMI: xiddigii hore ee Kooxda Manchester United oo laga helay caabuqa Coronavirus

0
229

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Manchester United, Marouane Fellaini ayaa laga helay caabuqa Coronavirus, isagoo hadda ku sugan Waddanka Shiinaha.

Marouane Fellaini ayaa tijaabooyinkii la marsiiyey ay caddeeyeen inuu haleelay caabuqa sida weyn Dunida ugu faafaya ee coronavirus, isagoo ku sugan gobolka Shiinaha ee Jinan, sida ay xaqiijisay waax caafimaad oo maxalli ah.

Ciyaaryahankii hore ee kooxaha Everton iyo Manchester United ayaa haatan ka ciyaara horyaalka Shiinaha ee Chinese Super League (CSL), waxaana uu ka tirsan yahay kooxda Shandong Luneng, wuxuuna Jinan ku yimid tareen 20 bishii Maarso markii tijaabada la qaaday.

Fellaini oo 32-sano jir ah waa ciyaaryahankii ugu horreeyey ee ka dheela horyaalka Shiinaha oo laga helo Coronavirus, iyadoo caabuqan uu hadda inta ugu badan tartammada kala duwan ee Adduunka si isku mid ah u hakiyey.

Inkastoo Covid-19 asal ahaan markii ugu horreysay laga helay Shiinaha, haddana warbixinnada ka imanaya gudaha waddankaas ayaa soo jeediyay hoos u dhac aad u weyn oo xagga kiisaska ah inay jireen bishii la soo dhaafay, maadaama ay si weyn ula tacaaleen caabuqan, inkastoo ay wax ka sii xumaanayaan meelo kale oo adduunka ah oo xanuunkan uu aad u sameeyey.

Fellaini wuxuu u dhaqaaqay Kooxda Shandong sanadkii 2019-kii, wuxuuna ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kooxda, isagoo u dhaliyay 13 gool tartamada oo dhan, waxaana ay kooxdiisu ku dhameysatay kaalinta shanaad ee horyaalka.