Taliska Booliska Oo amaro Ku soo rogay Ganacsatada Soomaaliyeed.

0
70

Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo Shir Jaraa,id maanta qabtay ayaa digniin u diray Ganacsatada Soomaliyeed oo ah in aysan sara u qaadin maciishada Quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa,iideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka COVID 19.

 

Sidoo kale Taliyaha Hoggaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qofka qaadan waayo digniinta ay soo saareen .

 

Hadalka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa la filaya in uu ka qeyb qaato ololaha looga hortago xaanunka Corona Virus.