Maamulka Puntland oo Ka hadlay Xildhibaan Xalay lagu Dilay Gaalkacayo.

0
149

Axmed Muuse Nuur,Guddoomiyaha Gobolka Mudug Ee Maamulka Puntland Ayaa  Faahfaahin Ka Bixiyey Dil Xalay Magaalada Gaalkacyo Oo Loogu Geeystay Xildhibaan Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gaalkacayo.

Xildhibaanka La Dilaya Oo Lagu Magacaabi Jiray Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle), Ayaa Waxaa Dilkiisa Ka Danbeeyay Kooxa Bastoolado Ku Hubaysan Waxay Ku Toogteen Bartamaha Magaalada Gaalkacyo, Waxaana Dhaawaciisa Loola Cararay Isbitaalka, Halkaas Oo Uu Markii Dambe Ku Geeriyooday, Sida Uu Sheegay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Gudoomiye Axmed Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Kooxdii Dilka Xildhibaanka Ka Danbeysay Ay Sidoo Kale Ay Dhaawaceen Askari Ka Tirsan Ciidamada.

Kooxdi Dilka Geeysatay Ayaana Isaga Baxsatay Halkii Uu Dilka Ka Dhacay , Iyadoona Baaritaano Kooban Ay Halkaasi Ka Sameeyen Taliska Booliska Magaalada Gaalkacayo .

Si kastaba ha ahaate mas’uuliyadda dilka ayaa waxa sheegtay ururka alshabaab oo inta badan dilal iyo weerara qorsheysan ka fuliya deeganada guud ee dalka.