Shabakad Al Shabaab u sameeya Documentiyo been abuur ah Ayaa Gacanta Lagu Soo Dhigay.

0
101

Ciidamada NISA ayaa gacanta waxa ay ku soo dhigeen Shabakad Al Shabaab u sameeya Documentiyo been abuur ah, kuwaasi oo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

NISA ayaa waxa ay sheegtay xogo ay ka heleen shacabka Somaliyed in lagu soo ogaaday dadkaan warqadaha been abuurka u sameyn jiray Al Shabaab.

Raggaan ayaanan la sheegin rasmi ahaan meesha laga soo qabtay, balse wararka waxa ay sheegayaan in xubnahan laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha oo warqadaha Been abuurka ay ku sameyn jireen.

Raggaan oo Saddex nin ah ayaa waxaa gacanta ku haayo Nabad Suggida Somaliya, waxaana ay ku xiran yihiin godka Jilacow.