Xildhibaanadan Baarlamaanka 2 aad ee Maamulka Koonfur Galbeed Ayaa ladhaariyey.

0
63

Xarunta Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa lagu dhaariyay 95 Xildhibaan oo Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ah.

Xildhibaanadan ayaa dhawaan la soo bandhigay liiskooda, kadib markii Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ay soo xuleen.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo tiro ahaan la yareeyay, ayaa u badan dhalinyaro Aqoonyahano ah, kuwaasi oo laga soo kala xulay dadka ka soo jeeda deeganada Maamulka Koonfur Galbeed.

Inkastoo ay jirto tabasho kala duwan oo beelaha qaar ay ka muujiyeen tirada Xildhibaanada la siiyay.