Madasha Xisbiyada Qaran oo War ka soo saartay Ciidama la geeyay Hooyga madaxweeynahii Hore ee Dalka.

0
134

Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Madasha Xisbiyada Qaran Ayaa Lagu Faahfaahiyey Isku-Daygii Weerar Ay Sheegeen In Lagu Doonayey In Lagu Beegsado Xarunta Madasha Iyo Hoyga Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed Ahna Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

 

War Saxaafadeedka Madasha Ayaa Lagu Sheegay Habeenadii Isku Xigay Ee Taariikhda Aheyd 22 Iyo 23 March Ay Jireen Isku Daygaas Ciidamada Ku Hareereeyeen Hoyga Sheekh Shariif, Waxaana Ay Sheegeen Inay Xadgudub Ku Tahay Xurmada Madaxweynuhii Hore Isla Markaana Ka Soo Horjeeda Shuruucda Dalka Iyo Hannaanka Dowladnimada.

 

Sidoo Kale Madasha Ayaa Madaxtooyadda Soomaaliya Ku Eedeysay Inay Weerar La Qorsheysanayay Ay Gadaal Ka Taagneyd, Waxaana Ay Sheegeen In Aysan Jirin Sabab Habeen Madow Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Loo Dul-Geeyo Guriga Sheekh Shariif.

Hadalkan Ka Soo Yeeray Madasha Xisbiyada Qaran Ayaa Waxaa Uu Ku Soo Aadaya Xilli Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Uu Sheegay In Aysan Wax Ka Jirin Wararka Ah In Duulan Lagu Yahay Madaxweeynahii Hore Shiikh Shariif Sheikh Axmed .

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA MADASHA XISBIYADA QARAN