Siyaasiyiin Qaadacay Doorashadii Qoor Qoor oo Gaaray Dhuusa-Mareeb.

0
93

Waxaa Magaalada Caasimadda Maamul Gobaleedka Galmudug Gaaraya Manta Socdaal Siyaasiyiin Ay Hogaaminayaan Qaar Ka Mid Ah Musharixiintii Madaxweeynaha Maamulka Galmudug .

Siyaasi Kamala Guutaale Iyo Safiirkii Hore Dowladda Soomaaliya U Fadhiyay Dalka Itoobiya Danjire Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan Oo Ka Mid Ahaa Musharixiintii Madaxweeynaha Maamulka Galmudiug .

Mas’uuliyiintaan Ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb Kusoo Dhaweeyey Xubno Uu Kamid Yahay Gudoomiyaha Caasimada Dhuusamareeb Cabdirahman Geeda Qorow, Gudoomiye Kuxigeenka Amniga Iyo Siyaasada Cabdi Xaashi Aroole Iyo Xubno Kale.

 

Siyaasiga Kamaal Guutaale Oo Kamid Ahaa Musharixiintii Xilka Madaxwaynaha Galmudug Ayaa Kamid Ahaa Musharixiinta Sida Adag Uu Qaadacday Doorasharadii Ka Dhacday Dhuusa-Mareeb , Waloow Mar Danbe Uu Aqbalay.

 

Xubnaha Wafdiga Dhuusamareeb Gaarey Ayaa Waxaa La Filayaa In Saacadaha Soo Socda Ay Wada-Hadalo La Yeeshaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Waxa Ayna Sidoo Kale La Filaya Inta Ay Halkaasi Ku Sugan Yihiin In Ay Kulamo La Yeeshaan Shacabka Iyo Wax Garadka Galmudug .