Wasiirka Amniga oo Beeniyay In duulan lagu yahay Sh.Shariif

0
100

Maxamed Abuukar Islaaw Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Beeniyay In Ay Jiran Wararka Sheegaya In Hooyga Magaalada Muqdishu Uu Ka Dagan Yahay Madaxweeynahii Dowladdii KGM Shiikh Shariif SHIIKH AXMED IN LA GEEYAY CIIDAMO .

 

Wasiir Islaaw Ayaa Shegay In Wararkaasi Aysan Aheyn Kuwa Ay Wax Ka Jiraan ,Balse Ay Fidinayaan Wararkaas Dad Dana Gaar Ah Leh Sida Uu Hadalka U Dhigay .

“Ma Jiro Ciidan Dowladeed Oo La Dul Dhigay Ama Weerar Ku Ah Madaxweynihii Hore Sheekh Shariif Oo Naga Wada Mudan Ixtiraam. Waxaan Caddeynayaa In Warkaasi Yahay Been Abuur Aan Sal Iyo Raad Lahayn Oo Ay Wadaan Dad Ujeedkoodu Yahay Fitno Iyo Colaad Abuur Ayuu Yiri” Wasiirka Amniga.

 

Sidoo Kale Wasiir Ducaale Ayaa Baaq U Diray Dhamaan Shacabka Iyo Mas’uuliyiinta Xilalka Haaysa In Aysan Faafin Warar Aysan Hubin Halka Ay Ka Yimaadeen ,Taas Badalkeed Ay Hubiyaan Waxa Ay Bulshada La Wadaagayan .

Hadalkaan Beeninta Ah Ee Kasoo Yeeray Wasiirka Amniga Soomaaliya Ayaa Yimid,Kadib Markii Xildhibaan Mahad Salaad Oo Kamid Ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Uu Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Uu Ciidamo Dul-Dhigey Hoyga Sheekh Shariif,Isla Markaana Ay Tahay Dhiilo Colaadeed Oo Aan Laga Fiirsan.