Xidiigii Hore Ee Xulka Qaranka Soomaaliya oo u dhintay Xanuunka Corona Virus.

0
17

Allaah U Naxariistee Ciyaaryahankii Hore Ee Xulka Qaranka Soomaaliya Iyo Kooxdii Badroolka Cabduqaadir Maxamed Faarax Biriq  Ayaa Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska Waxa Uu Manta Ugu Geeriyooday Xanuunka Corona Virus.

Biriq Ayaa La Sheegay In Maalmahii U Danbeeyay Uu La Il Darnaay Xanuunka Corona Virus , Iyadoo Tirada Dadka U Dhimanaya Xanuunka Ay Sii Kordhayaan.

 

Alle Ha U Naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) Ayaa Bilihii U Dambeeyey Waxaa Uu Ahaa Falanqeeye Kubadda Cagta Ah,Isaga Oo Qaar Kamid Ah Warbaahinta Soomaalida Ka Falanqeyn Jirey Ciyaaraha.

 

Dad U Badan Mas’uuliyiin Ayaa Ka Tacsiyadeyey Geerida Ciyaaryahankii Hore Ee Xulka Qaranka Soomaaliya Alle Ha U Naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq).

Wadamada Caalamka Ayaa Waxa Ay La Daala Dhacayaan Sidii Loo Yareyn Lahaa Tirade Dadka Uu Sabab Sanayo Corona Virus.