Taliska Puntland oo Kormeer ku sameeyay Goobaha ganacsiga Boosaaso

0
136

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Ayaa Kormeer Wacyigalin Ah Ku Tagay Suuqa Weyn Ee Magalada Bosaaso,Isaga Oo Ganacsatada Suuqa Bosaaso Kala Hadlay In Aan Qiimaha Ganacsiga Lagu Kordhin Dadka,Iyada Oo Ganacsatada Ka Faa’iidesanaya Saameynta Ganacsiga Wadadama Caalamka Uu Kaga Yeeshay Cudurka Coronavirus.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Ayaa Sidoo Kale Ganacsatada Ka Wareystey Sida Ciidanka Booliska Ay Ula Dhaqmaan Markii Ay Howlgalada Ka Sameeynayaan Suuqa.

Ugu Dambeyn Taliyaha Ayaa Ku Marey Dhamaan Ganacsatada Gobolka Bari Gaar Ahaan Kuwa Suuqa Boosaaso Inaysan Maciishada Dadka Ku Qaaliyen Karin Ganacsadihii Amarka Ka Dhega Adeegana Tallaabo Laga Qaadi Doono.

Si Kastaba Kadib Markii Uu Dunida Ka Dilaacay Xanuunka Corona Virus Waxaa Dadka Qaar Eeiibiya Miciishadaha Aas Aasiga Ah Ay Sara U Qadeen Qiimaha Ay Horay U Iibin Jireen Maciishadda ,Amarka Taliska Booliska Gobalka Bari Ku Soo Rogay Ganacsatada Ayaana Ka Dhigan In Aan Dadka Danta Yar Aan Looga Faa’ideysan Baahida Jirta.