Bangi Soomaaliya ka cafiyey Deeymahii uu ku lahaa.

0
202

C/Raxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ayaa Sheegay In Bankiga Horumarinta Afrika Uu Cafiyey Deyntii Soomaaliya Uu Ku Lahaa, Kadib Wada Hadalno Dheer Oo Ay Dowladda Maalmahan Wadday .

Wasiir Beyle Ayaa Yiri :“Waxa Aan Aad Iyo Aad Ugu Faraxsanahay, Isla Markaana Aan Ummadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeynayaa Dadaal Dheer Kadib In Bangiga Horumarinta Afika Uu Cafiyay Deyntii Soomaaliya Uu Kulahaa, Sida Ka Muuqata Warbixinta Uu Soo Saaray”

Wasiirka Ayaana Siidoo Kale Sheegay In Warbixinta Uu Soo Saray Bankiga In Ay Ka Muuqato Dadaalka Dheer Ay Dowladda Somaaliya Ugu Jirto Sidii Dalka Looga Cafin Lahaa Deymaha Uu Caalamku Ku Leeyahay .

 

“Warbixinta AFDB Waxa Ay Cadeyneysaa Isbadalka Muuqda Ee Aan Ka Sameynay Hagaajinta Hanaanka Maamulka Maaliyadda Iyo Dhaqaalaha Dalka” Ayuu Yiri Wasiirka Maaliyadda.

 

Wasiir Beyle Ayaa Sidoo Kale Xusay In Dawladda Soomaaliya Ay Ka Go’an Tahay Inay Sii Wado Dadaalka Ay Ugu Jirto Isbadalka Horumarineed Ee Dhanka Maaliyadda Dalka.

 

“Dowladda Iyo Shacabka Soomaaliyeed Waxaa Naga Go’an In Aan Sii Wadno Dadaalka Isbadal Ee Horumar Ka Maaliyadda Soomaaliya, Waxa Aan U Mahadcelinayaa Saaxibadeena Caalamka, Si Gaar Ah UK Iyo EU Oo Garab Buuxa Nagu Siiyay In Deyntaan Uu Naga Cafiyo Bangiga Horumarinta Afika” Ayuu Yiri Wasiir Beyle.

 

Si Kastaba Dowladda Soomaaliya Ayaa Waxa Ay Dadaal Ay Ku Bixineysay Sanadihii U Danbeeyay Sidii Dalka Looga Cafin Lahaa Deymaha Lagu Leeyahay , Iyadoo Ay Jiraan In Wadama Dhowr Ah Ay Horay Soomaaliya Uga Cafiyey Deeymahii Ay Ku Lahaayeen .